• Bogga Hore
  • Wararka
  • Maqaallada
  • Arrimaha Bulshada
    • Waxbarashada
    • Caafimaadka
    • Dhaqaalaha
    • Teknolojiyada
    • Sheekooyinka
  • Dib u milicsi
  • Muuqaalo
  • Fanka iyo Fannaanka
  • Nagu Saabsan
Search
Facebook
Twitter
Youtube
Logo
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • Maqaallada
  • Arrimaha Bulshada
    • Waxbarashada
    • Caafimaadka
    • Dhaqaalaha
    • Teknolojiyada
    • Sheekooyinka
  • Dib u milicsi
  • Muuqaalo
  • Fanka iyo Fannaanka
  • Nagu Saabsan
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • Maqaallada
  • Arrimaha Bulshada
    • Waxbarashada
    • Caafimaadka
    • Dhaqaalaha
    • Teknolojiyada
    • Sheekooyinka
  • Dib u milicsi
  • Muuqaalo
  • Fanka iyo Fannaanka
  • Nagu Saabsan
Logo
Facebook
Twitter
Youtube
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • Maqaallada
  • Arrimaha Bulshada
    • Waxbarashada
    • Caafimaadka
    • Dhaqaalaha
    • Teknolojiyada
    • Sheekooyinka
  • Dib u milicsi
  • Muuqaalo
  • Fanka iyo Fannaanka
  • Nagu Saabsan
Logo
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • Maqaallada
  • Arrimaha Bulshada
    • Waxbarashada
    • Caafimaadka
    • Dhaqaalaha
    • Teknolojiyada
    • Sheekooyinka
  • Dib u milicsi
  • Muuqaalo
  • Fanka iyo Fannaanka
  • Nagu Saabsan

Dowladda Itoobiya ayaa diginin kama dambeys ah u dirtay Ireland

October 15, 2022
Kula wadaag cid kale baraha bulshada

Dowladda Itoobiya ayaa diginin kama dambeys ah u dirtay Ireland oo ku saabsan mowqifkeeda dagaalka labada sano ka socda dalkaas, ayada oo ku eedeysay cadaawad kana digtay inuu go’i karo xiriirka diblomaasi ee labada dal.

“Ireland waxay si aan kala joogsi laheyn oo xooggan u waxyeeleyneysay Itoobiya labadii sano ee tegay,” waxaa sidaas qoraal uu twitter soo dhigay ku yiri Redwan Hussein oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

“Codsigii dowladda ay sameysay markii ugu dambeysay waa la diiday oo dhegaha laga fureystay. Sidaas darteed, waxaa waajib ku noqotay inay kama dambeys rasmi ah toddobaadkan u dirto dowladda Ireland,” ayuu yiri Redwan isaga oo aan bixin faah-faahin.

Redwan ayaa xiriirka labada dal ku qeexay inuu joogo “halkii ugu hooseysay.”

Ma cadda waxa dhaliyey carada ka dhanka ah Ireland oo hadda ka mid ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka QM.

Codsi ay wakaaladda wararka AFP u dirtay safaaradda Ireland ee Addis Ababa lagama jawaabin.

Bishii November ee sanadkii tegay, Itoobiya ayaa amartay cayrinta afar ka mid ah lixda diblomaasi ee Ireland ee Addis-Ababa.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ireland ayaa xilligaas sheegtay in mas’uuliyiinta Itoobiya ay muujiyeen in go’aankaas loo qaatay “sababo la xiriira mowqifyada Ireland ee masraxyada caalamiga ah ee ku aadan dagaalka iyo xasaradaha bani’aadannimo ee dalka Itoobiya.”

Cayrinta ayaa timid saddex toddobaad kadib markii Ireland ay ku biirtay Golaha Ammaanka kuna baaqday xabad-joojin laga sameeyo dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas, islamarkaana ay wadahadlaan dhinacyada dagaaalamaya.

Bayaan ay baahisay warbaahinta Fana, ayey wasaaradda arrimaha dibeda Itoobiya ugu baaqday Diblin “inay faraha kala baxdo cadaawadda ka dhanka ah Itoobiya.”

Waxay ka ashtakootay in intii ay tageeri laheyd dadaallada dowladda ay kusoo afjareyso dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga TPLF, “ay Ireland sii waddo inay Itoobiya weerarto ayada oo adeegsaneysa xubinnimadeeda Golaha Ammaanka QM, Midowga Yurub iyo meelo kale.”

Waxay sheegtay in Ireland “ay u muuqato inay damacsan tahay inay xoojiso TPLF kuna baaqeyso ficillo ka dhan ah Itoobiya ayada oo adeegsaneysa xubinnimadeeda Golaha Ammaanka.” Waxay sidoo kale ku eedeysay Dublin inay hortaagan tahay dadaalalda ay Addis-Ababa ku hagaajineyso xiriirka Midowga Yurub.

“Ayada oo ay tahay isku daygii ugu dambeeyey, waxaan heli karnaa fursad aan kaga wadatashano haddii ay jirto rabitaan wadajir ah oo aan ku raadineyno xiriirkeena diblomaasiyadeed,” ayay wasaaraddu ka digtay.

Xiriirka Addis Ababa iyo Brussels ayaa u xumaaday sababo la xiriira dagaalka oo qarxay November 2020, islamarkaana tan iyo markaas dilay tiro dad ah oo aan la sheegin, islamarkaana dhaliyay xasarad bini’aadannimo oo weyn.

Ireland, oo xiriir diblomaasi la lahayd Itoobiya tan iyo 1994, ayaa hadda ka digta in loo safro meelo badan oo Itoobiya ah oo ay ku jiraan Tigray iyo gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

Kula wadaag cid kale baraha bulshada

La Xiriira

Mareykanka oo amar dul-dhigay dhinacyada ku dagaalamaya ITOOBIYA

October 15, 2022

Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo saaray go’aan culus oo la xiriira ciidamada

October 15, 2022

Sheekada ku saabsan Trump iyo Soomaaliya ee mar kale qabsatay Mareykanka

October 14, 2022

Baraheena Bulshada

Maqaallada

Mareykanka oo amar dul-dhigay dhinacyada ku dagaalamaya ITOOBIYA

October 15, 2022

Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo saaray go’aan culus oo la xiriira ...

October 15, 2022

Sheekada ku saabsan Trump iyo Soomaaliya ee mar kale qabsatay Mareykan...

October 14, 2022

Madaxweyne Museveni oo sheegay arrin uu sameynayo kadib booqashadii Ma...

October 13, 2022

Ra’iisul wasaare Xamza oo maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee ...

October 13, 2022
Logo

Quick Links

  • Wararka
  • Teknoologiyada
  • Cayaaraha
  • Fanka iyo Fannanka
  • Sheekooyinka
  • Dhaqaalaha
  • Waxbarashada
  • Caafimaadka
  • Maqaallada
  • Muuqaallada

Nagu Saabsan

  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Facebook
Twitter
Youtube

Copyright © 2022 Ayaamaha — All Rights Reserved.

Site Designed by ILEYS INC