• Bogga Hore
  • Wararka
  • Maqaallada
  • Arrimaha Bulshada
    • Waxbarashada
    • Caafimaadka
    • Dhaqaalaha
    • Teknolojiyada
    • Sheekooyinka
  • Dib u milicsi
  • Muuqaalo
  • Fanka iyo Fannaanka
  • Nagu Saabsan
Search
Facebook
Twitter
Youtube
Logo
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • Maqaallada
  • Arrimaha Bulshada
    • Waxbarashada
    • Caafimaadka
    • Dhaqaalaha
    • Teknolojiyada
    • Sheekooyinka
  • Dib u milicsi
  • Muuqaalo
  • Fanka iyo Fannaanka
  • Nagu Saabsan
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • Maqaallada
  • Arrimaha Bulshada
    • Waxbarashada
    • Caafimaadka
    • Dhaqaalaha
    • Teknolojiyada
    • Sheekooyinka
  • Dib u milicsi
  • Muuqaalo
  • Fanka iyo Fannaanka
  • Nagu Saabsan
Logo
Facebook
Twitter
Youtube
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • Maqaallada
  • Arrimaha Bulshada
    • Waxbarashada
    • Caafimaadka
    • Dhaqaalaha
    • Teknolojiyada
    • Sheekooyinka
  • Dib u milicsi
  • Muuqaalo
  • Fanka iyo Fannaanka
  • Nagu Saabsan
Logo
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • Maqaallada
  • Arrimaha Bulshada
    • Waxbarashada
    • Caafimaadka
    • Dhaqaalaha
    • Teknolojiyada
    • Sheekooyinka
  • Dib u milicsi
  • Muuqaalo
  • Fanka iyo Fannaanka
  • Nagu Saabsan

Sheekada ku saabsan Trump iyo Soomaaliya ee mar kale qabsatay Mareykanka

October 14, 2022
Kula wadaag cid kale baraha bulshada

Go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya ayaa mar kale qabsaday warbaahinta Mareykanka kadib dood ka dhacday Congress-ka Mareykanka.

Dooddan ayaa qeyb ka ah kiiska loo haysto madaxweyne Trump ee ah inuu wax ka ogaa weerarkii ay taageerayaashiisa ku qaadeen xarunta Congress-ka 6-dii Janaayo 2021, ayaga oo diidan in la ansixiyo guushii Biden ee doorashadii madaxweyne ee uu November 2020 kaga adkaaday Trump.

Guddiga January 6 ee Congress-ka ayaa shalay si buuxda ugu codeeyey in loo yeero madaxweyne Trump si wax looga weydiiyo dhacdadaas, ayada oo lagu eedeynayo inuu wax ka ogaa isku day wax looga beddeli lahaa natiijada doorashada.

Go’aanka uu Trump ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya ayaa guddiga u adeegsaday inuu ku caddeeyo in Trump qirsanaa in doorashada looga adkaaday, iskuna dayey inuu natiijada wax ka beddelo.

Madaxweyne Trump ayaa amray Pentagon-ka ku amray in si deg deg ah ciidmada Mareykanka looga soo saaro Soomaaliya iyo Afghanistan kadib markii uu doorashada 2020 kaga adkaaday madaxweyne Joe Biden, waxaa sidaas shalay lagu sheegay marag-fur ka dhacay Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Adam Kinzinger, oo ah wakiil Jamhuuri ah oo laga soo doorto gobolka Illinois ayaa intii u socday kulank Guddiga January 6, wuxuu sheegay in amarka ciidamada looga soo saaray Soomaaliya iyo Afghanistan uu caddeyn u yahay in Trump uu ogaa in maalmihiisa Aqalka Cad ay dhammaad ahaayeen, iskuna dayey inuu meesha ka saaro guusha Biden, sidoo kalena dhameystiro “shaqooyinkii qabyada ka ahaa.”

“Wuxuu iska indho-tiray walaaca ku saabsan cawaaqibka ku iman karay dawladaha taagta daran ee safka hore ee dagaalka lagula jiro Daacish iyo argagixisada al-Qaacida,” ayuu yiri Kinzinger.

“Isaga oo og inuu xafiiska ka tegayo, wuxuu si deg deg u saxiixay amarkan 11-kii November 2020, kaasi oo qasbayey in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya iyo Afghanistan, lana soo geba-gebeeyo kahor inta aanu Biden xafiiska loo dharain 20-ka Janaayo 2021.”

Amarka Trump ayaa maalmihii ugu dambeeyey ee xilkiisa waxaa 700 oo askari oo Mareykan ah looga soo saaray Soomaaliya. Madaxweyne Biden ayaa bishii May 2022 amray in ciidankaas dib loogu celiyo Soomaaliya.

 

Kula wadaag cid kale baraha bulshada

La Xiriira

Mareykanka oo amar dul-dhigay dhinacyada ku dagaalamaya ITOOBIYA

October 15, 2022

Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo saaray go’aan culus oo la xiriira ciidamada

October 15, 2022

Dowladda Itoobiya ayaa diginin kama dambeys ah u dirtay Ireland

October 15, 2022

Baraheena Bulshada

Maqaallada

Mareykanka oo amar dul-dhigay dhinacyada ku dagaalamaya ITOOBIYA

October 15, 2022

Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo saaray go’aan culus oo la xiriira ...

October 15, 2022

Dowladda Itoobiya ayaa diginin kama dambeys ah u dirtay Ireland

October 15, 2022

Madaxweyne Museveni oo sheegay arrin uu sameynayo kadib booqashadii Ma...

October 13, 2022

Ra’iisul wasaare Xamza oo maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee ...

October 13, 2022
Logo

Quick Links

  • Wararka
  • Teknoologiyada
  • Cayaaraha
  • Fanka iyo Fannanka
  • Sheekooyinka
  • Dhaqaalaha
  • Waxbarashada
  • Caafimaadka
  • Maqaallada
  • Muuqaallada

Nagu Saabsan

  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Facebook
Twitter
Youtube

Copyright © 2022 Ayaamaha — All Rights Reserved.

Site Designed by ILEYS INC